Muhiimada Xogta Furan (Open Data)

Muhiimada Xogta

Xogtu (DATA) waxay leedahay awooda balaaran oo saameeyn xoogan ku yeelankaro habka bulshadu u nooshahay. Dunida maanta waxaa loo yaqaana (Information Age ) Casriga Macluumaadka maxaayeelay waxaa maalintii oo qur ah la abuuraa xog kabadan 2.5 Quintillion bytes (Domosapiens, 2019).

Xog Hufan (Open data) waa xogta si xor ah u isticmaali karo, u wadaagi karo, oo u dhisi karo cid kasta, meel kasta, ujeeddo kasta.

Ujeeda xogta furan waa in bulshadda loo siiyaa fursad ay kaga faaiideystaan xogta si ay u hormariyaan noloshooda ayadoo lagu saadaalin karo fursadaha iyo isbadalada soo socdo.

Faa’iidooyinka Xogta Furan waa ay kala duwan yahiin, waxaana ka mid ah faa’iidooyinka Xogta:

  • waxtarka hagaajinta maamulka dowladaha,
  • kobaca dhaqaalaha good iyo waaxaha gaarka loo leeyahay (private sector)
  • Hormarinta Halabuurka Ganacsi bulshadeed (social entrepreneurship)

(Open Knowledge Somalia ) OK Soomaliya waxay qayb ka tahay Shabakadda Cilmi-baarista Caalamiga ah ee Open Knowledge International. Shabakada waxay diiradda saartaa xogta furan. OK Waxay u ololeysaa caawinta bulshada rayidka si ay u halaan, una isticmaalaan xogta, si ay u xaliyaan dhibaatooyinka bulshada. OK International waxay bixisaa aalado iyo Technologies si loo furo xogta, lafaguro oo loo adeegsado taxliilinta iyo turxaanbixinta xogta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *